Taliye farxaan wuxuu Darajada ciidanka kaso bilaabay dablinimo. Wuxuu ahaa Askari ka tirsan Nabad sugida somaliya waana meesha uu kaso bilaabay Ciidanimada Sabar Dulqaad iyo Howlkarnimo. Waxa loo Qaatay Ciidanka Dharcada oo markaas la Dhihi jiray A/C Waxaa loo magacaabay taliyaha Ciidanka Dharcada Gobolka banaadir shaqo badan kadib Wuxuu salka u dhigay amniga Suuq weyn iyo Magaalada inteeda kale.
Ciidankii nisa ee Hubeysnaa iyo Dharcadii Hubeysneyd uu taliyaha Xukumi jiray aya la isku Daray Waxaana loo bixiyey Ciidanka xasilinta Caasimada. Taliye Farxaan wuxu ahaa Sarkaalka ugu Awooda Badan Ciidankii xasilinta caasimada. Markii danbe Dhamaantood waxaa loo so wareejiyey Ciidanka Boliiska Somaliya. Ayagoo sidoodii xilalka Uhayo aya loo badalay xilaalkii boliiska Gobolka banaadir. Tusaale qofkii ahaa Taliyaha nabad sugida degmo hebel wuxuu isku badalay taliyaha boliiska Degmadaas.Taliye Farxaan Maxamuud Aadan "Qaroole" Ciidankii uu watay Ee Dharcadii hubeysneyd Waxey isku badaleen Ciidanka Boliiska Gaarka ah. Kadib waxaa timid Fursad Uu turkiga Siinayo Ciidanka Somaliya Toobar iyo Qalabeyn Xukuumada Oo shaqada Ciidankaas jecleyd aya uga fa'ideysay. Jaaniskaasna waxa qaatay oo taliye looga Dhigay Farxaan Maxamuud Aadan Waxaana loo bixiyey Haramcad. Kalmadaas oo ka timid Ciidanka boliis gaarka ah Ee turkiga oo iyagana la yiraahdo Haramacad sidaas ayaa loo lamaaneeyey.
Qeybta 2 la soco
No comments:
Post a Comment